Weerar gaadma ah oo lagu qabsaday saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen Dhoobley.
Bartamaha(Dhoobley):-Koox hubaysan oo ka amar qaadata Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxa ay awood kula wareegeen saldhig ay Alshabaab lahaayeen.
Koox hubaysan oo taabacsan Sheekh Maxamed Islaam Madoobe ayaa waxa ay saaka aroortii weerar ku soo qaadeen dhoobley halkaasi oo ay awood kula wareegeen saldhig ay alshabaab lahaayeen.
Dagaal xoogan ayaa ka dhacay saldhig ay lahaayeen Kooxda ALshabaab oo ku yaalay duleedka Degmada Dhoobley halkaasi oo weerar xoogan ay ku soo qaadeen kooxda taabacsan Axmed Madoobe.
Rasaas in muddo ah socotay ka dib ayaa waxaa la sheegay in saldhigaasi ay qabsadeen Kooxdii weerarka soo qaaday wallow muddo saacada ah ka dib ay halkaasi isaga bexeen.
Weerarka ayaa u muuqday mid ku dhifo oo ka dhaqaaq ahaa wallow ay ku qabsadeen salkdhiga islamarkaana hub iyo Saanad ciidan ay ka qaateen goobtaasi saldhiga u ahayd Ciidanka ALshabaab.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments