Weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Beledweyne habaynkii xalay ahaa
Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Fiidnimadii Xalay Weeraro Bambaanooyin ah lagu qaaday Xarunta Hay’adda Main Action ee Qaramada Midoobay Miino Saarista u qaabilsan ee Magaalada B/weyne ay ku leedahay.
Kooxahani oo aan la garaneyn Heybtooda ayaa illaa Labo Bambo ku weeraray Xarunta Hay’adda Main Action ay ku leedahaya Xaafadda Xaawo Taako Laanteeda Nuur Xawaad ee Magaalada Baladweyne, iyadoo qaraxyada kadib ay Rasaas xoogan Fureen ilaalada Xaruntaasi.
Weerarada kadib ayaa Goobta ay Xarunta ku taallo waxaa durbadiiba isku geedaamay Ciidamada Jabuuti iyo Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi Howl gallo ka billaabay.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.