Calendar

Waxgaradka Gobolada Bay iyo Bakool oo si kulul u canbaareeyay Weerarkii loo geystay Xarunta Hay’adda WFP Ee Deegaanka Waajid.

WFPBartamaha (Baydhabo) Odayaasha iyo waxgaradka Gobolada Bay iyo Bakool ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii xarunta hay’adda Cunada Aduunka Ee Deegaanka Waajid.

Odayaashs dhaqanka Gobolada Bay iyo Bakool oo shirk u yeeshay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in ay xad gudub tahay weerarka lagu qaaday hay’adda WFP xarunteeda Deegaanka waajid.

Waxgaradka Deegaanka  ayaa falkaasi ku tilmaamay mid lagu cunna qabataynayo dadka degaankaasi ka dib markii la weeraray xarunta kaliya Ee Soomaaliya ay salka uga leedahay hay’addaasi.

Nabadoonada Goboladaasi ayaa waxa ay ugu baaqeen maamulka alshabaab in ay adkeeyaa ammaanka shaqaalaha hay’adaha islamarkaana ay muhiim tahay in laga difaaco kooxaha weerarka ku qaadaya deegankaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: