Calendar

Waxbaro iyo xafladii qalinjabinta sanad dugsiyeedka 2010

minnBartamaha (Minneapolis) Mashruuca Waxbaro oo shalay qabtay xafladii labaad ee qalin jabinta. Waxbaro oo sanadkii la soo dhaafay qabatay xaflad aad u saraysa oo ay ugu talagaleen dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabiya Iskuulada, Kuliyadaha iyo Jaamacadaha ba, ayaa xafladoodii labaad qabtay maalintii Sabtida 6/12/2010.

Xafladan qalin jabinta ah oo kadhacday kuliyada Augsburg ee ku taala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne iskugu jira arday, waalid, aqoon yahaniin, dhalinyaro, culumo iyo waliba caruur Soomaaliyeed.

Xaflada qalin jabinta ah iyo mashruuca Waxbaro ayaa muhiimadiisa iyo danta guud ee laga leeyahay ay tahay in la guubaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ardayda ah, horumarkooda waxbarashana lagu abaalmariyo. Waxaa kaloo kulankan qalin jabinta ahi uu yahay fursad muhiim ah oo layskugu xirayo ardayda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ba ka galin jabisa iyo ardayda kuliyadaha iyo Jaamacadaha ka qalin jabiya, iyagoo markaas is waydaarsanay wixii tale iyo tusaale ah.

Barnaamijka xafladan qalin jabinta ah ayaa iskugu jiray qaybo badan oo ay kamid yihiin, guubaabin, abaalmarin, wacyi galin, dardaaran iyo farxad qaybsi ay dhamaan dadweynihii goobtaas joogay isla wadaagayeen. Fariimaha dardaaranka ahaa ee dhalinyarada ku wajahnaa ayaa waxaa kamid ahaa, “waxaadan baran, wakhtigaa ku bara” oo ahayd mid lagu baraarujinayay dhalinyarada in ay wakhtigooda ka fa’idaystan oo ay waxbartaan, hadii kalese wakhtigu in uu bari doono marxaladdo badan iyo waaya aragnimo badan oo ku saabsan aqoonta.

Waxaa kaloo muhiim ah oo ardayda iyo dhalinyaradii qalin jabinaysay aad loogula dardaarmay in ay haystaan aad iyo aadna u ilaaliyaan dhaqankooda iyo diintooda iyo waliba dad nimadooda. Dardaarankaas oo loogu soo gudbiyay si majaajilo ah iyo si hadal cad oo qudbad ah.

Waxaa iyana barnaamijka qayb weyn ka qaatay dhalinyaro ka kala socday Masaajidka Dacwa iyo dhalinyarada loogu magac daro “Young Achievers” oo iyagu caan ku ah ruwaayadaha, gabayada iyo filimada lagu wacyi galiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan da’yarta Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale abaalmarin khaas ah halkaas lagu gudoonsiiyay Cabdiraxman Kaahin iyo dhalinyarada Young Achievers, iyaga oo abaalmarinta ay heleen ku mutaystay wax qabadka iyo howlaha iskaa wax u qabsada ah ee ay buslhada Soomaaliyeed ee reer Minnesota u qabteen.

Mashruuca Waxbaro iyo xafladan qalin jabinta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay, si aad iyo aad u habaysana uga soo shaqeeyan, dhalinyaro Soomaaliyeed oo iskugu jira, arday, waalid, ganacsato iyo kuwo iyagu kamid ah ururada iyo masaajidada u adeega bulsha Soomaaliyeed. Haddaba inta badan waxaa dhalinyarada Soomaaliyeed la maqlaa ama saxaafadu faafisaa xumaantooda ay sameeyaan dhaliyaro aad u tiro yar, balse xaflada noocan ah ayaa waxay kamid tahay, kulamada ka turjumaya wanaaga iyo horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waliba guulaha ay soo hooyeen.  Waana wax aad loogu farxo, dadkii soo qaban qaabiyayna mahad gaar ah loo gudbiyo.

Wixii akhbaar dheerad ah ama faah faahin ku saabsan mashruuca Waxbaro iyo xaflada qalin jabinta ah bogan Internet-ka ah ka fiiri:  waxbaro.org

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

Comments

comments

Category : Minnesota, Wararka Maanta.
« »

Comment: