Waxbarasho lacag la’aan ah oo dawlada Soomaaliya ay ka bilaabayso qaybo kamid ah dalka.
Wasaaradda adeega Bulshada Soomaaliya ayaa 336 macalimiin udireysa gobollo katirsan Soomaaliya si waxbarasho lacag la’aan ah ugu dhigaan ubadka Soomaaliyeed.
Waxaa dhawaan lugu wadda in qeybo ka mid ah gobollada koonfured ee dalka Soomaaliya laga bilaabo waxbarasho bilaash ah oo ay ardeyda Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.
Wasaaradda adeega Bulshada Soomaaliya ayaa muddo muddo 22-sano kadib,waxay isku howshey sidii dalka looga hirgalin laha waxbarasho an wax qarash ah uga bixin ardeyda Soomaaliya oo intooda badan la tilmaamo in daruufo jira awgood aysan sii wadin waxbarashada iyagoo uga hara darajooyin hoose.
Wasiiradda adeega bulshada marwo Maryam Qaasim ayaa horay u shaacisay in ku dhawaad hal milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ay siin doonaan waxbarasho lacag la’aan, kuwaasoo adeegan loogu gayn doono deegaannada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Comments
comments