Calendar

Wasirka Ku xigeenka Xukuumadda Dowladda FKMG Oo Sheegay in Baarlamaanka ay dooran doonaan Madaxweyanaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

2573-full-soMugadisho:Wasirka Ku xigeenka Xukuumadda Dowladda FKMG Soomaalaiya C/rashiid Max’ed Xidig  ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonto islamarkaana ay Baarlamaanka dooran doonaan Musharaxiiinta.

C/rashiid Max’ed  Xidig  oo ah Wasiir ku xigeenka arimaha, bulshada, shaqada, shaqaalaha dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda FKMG Soomaaliya ayaa ku nuux nuuxsaday in muran la galin in Doorashada  ay dooran toonaan Baarlamaanka isagoo sheegay in qilaafka u dhaxeeyay Madaxada ugu sarayso Dowladda aysan waxba ka badali karin in Doorashada ay dhacayso Dalka Soomaaliya.

 “Baarlamaanka ayaa xaq u leh inay doortaan Madaxweyanha Dalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, wararka arintani diidian anaga kuma raacsanin, Baarlamaanka ayaa xaq uleh inay doortaan Musharixiinta haatan u tartamauya Xilka Madaxweyninimada Dalka Soomaaliya” ayaa laga soo xigtay Wasirka Ku xigeenka Xukuumadda Dwoaldda FKMG soomaalaiya C/rashiid Max’ed Xidig.
Mr Xidiiga ayaa markale ku celiyay in marka hore Ee Baarlamaanka dooran doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka kadibna ay dooran doonaan Madaxweyne Dalka maamuli doono marka lagaaro xilliga doorashada oo haatan ka dhiman Bilooyin yar.

Hadalka Wasiir ku xigeenka arimaha, bulshada, shaqada, shaqaalaha dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Madaxawayanaha iyo Gudoomiyahaa Baarlamaanka ay isku haystaan qaabka ay u dhacayso doorashada iyo in Baarlmaanka ay xaqu u leeyaahy inay wax foortaan iyo in kale.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: