Wasiiru dawlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan
Wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya Dr. Max’ed Nuur Gacal ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Sudan Dr. Cali Axmed Kerti, waxaana sidoo kale kulanka labada masuul goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Sudan Max’ed C/laahi Ugaas Faarax.
Wasiiru dowladaha arimaha dibadda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afsoomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyay waxyaalihii ay uga hadleen kulankii uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Sudan, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya xiriirka labada dal.
Masuulkan ayaa sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay istaageen adeegyadii hay’adihii kala duwanaa ee dalka, in dowladda Sudan ay waxbarasho ugu deeqaysay ardeyda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay arintaasi ay uga mahadceliyeen.
Wasiirka ayaa sidoo kale ammaanay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya shucuubta Sudan iyo Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah.
Comments
comments