Wasiiro Xilalka isku wareejiyay.
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiiiro ka tirsan Xukamada KMG ah ayaa maanta isku wareejiyay xilalkii dhawaan loo magacaabay.
Wasiirkii hore Ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta iska wareejiyay xilkii Wasaarada Warfaafinta Xukumada KMG ah oo uu haayay sanadii la soo dhaafay.
Mr.Geele ayaa waxaa xilka uu ku wareejiyay Ing.C/raxmaan Yariisow oo ahaa Wasiirkii Lacagta balse loo dhiibay Wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ah.
Hadal kooban oo uu jeediyay Wasiirkii hore ayaa waxa uu ku sheegay in uu hormar gaarsiiyay Radio Muqdisho iyo Website uu u sameeyay Idacaadaasi afka Dowlada ku hadasha.
Wasiirka Cusub ayaa uga mahad celiyay Wasiirkii hore shaqooyinkii uu soo qabtay isagoo balan qaaday in halkeedii uu ka sii wadi doono.
Dhanka kale Ing.Yariisow waxa uu iska wareejiyay xilkii WEasaarada Lacagta oo uu horay u haayay oo ahaa Wasaarada Lacagta isagoo ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Lacagta C/laahi Sanbaloodshe.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi Kenya.
Comments
comments