Wasiiro ka tirsan DKMG Soomaaliya oo is casilay (Cadeyn)
Bartamaha (Nairobi):-Wasiirkii Hidaha iyo tacliinta sare Maxamed C/laahi Oomaar iyo oo ku sugnaa magaalada London ayaa maanta ku dhawaaqat un uu iska casilay Xilkii uu ka yahay Dowladda Soomaaliya isagoo ku sugan Magaaaladda London ee dalka Britain.
Maxamed C/laahi Oomaar dhowr wasaaradood oo ay jirto Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Soomaaliya balse sida uu sheegay xilligan isku casilay kadib markii Dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay shaqadii laga rabay in ay qabato.
“Waxaa noo muuqatey in siyaasadii dowlada ay fashilmeyso oo uuna jirin wax caqli iyo maskax ah oo lagu daba qabanayo, iyadoo horeyba waxqabad la’aan loogu dhaliili jiray dowladaâ€, ayuu yiri Maxamed C/laahi Oomaar.
Mudane Omaar ayaa intaas ku daray “Iska daa wax kalee dowladu waxay ku guuleysan weysay inay wax ka qabato amaanka Muqdisho, waxayna ka maamushaa lix degmo oo kaliyaâ€
Warqada uu isku casilay ama uu shaqaga ooga tagay Mudane Maxamed C/laahi Oomaar ka fiiri dhanke hoose.
Xasan Macalin oo ahaa wasiiru dowlihii madaxtooyada aadna ugu dhowaan madaxweyne Shiikh Shariif ayaa isaguna ku eedeeyey madaxda sare ee dowlada inay sharciga hareer mareen ka dib markii la maqli waayey go’aamadii maxkamada sare.
Halkan ka fiiri warqada uu shaqda ooga tagay Xasan Macalin.
Iscasilaada labadan wasiir ay maanta kaga dhawaaqeen magaalada London ayaa ku soo beegmeysa iyadoo uu isla maanta iscasilaadiisa Muqdisho kaga dhawaaqay Sheekh Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo ahaa wasiiru dowlihii gaashaandhiga ee dowlada Soomaaliya.
Waxaana labada nin ee maanta iscasilay ay ahaayeen kuwo si aad ah ugu dhowaa madaxweyne Shiikh Shariif, iyagoo horey loogu arki jiray safarada madaxweynahuhu dibada ku tago oo ay ku wehlin jireen.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Nairobi-Kenya
Comments
comments