read more »">
Calendar

Wasiiro hor leh oo is casilay iyo Kulan Xasaasi ah oo dhacay.

12011 478Bartamaha (Muqdisho) Wasiiro hor leh oo ka mida xukumada Sharma’arke ayaa is casilay waxaana wadada is casilaada ku soo socanaya wasiiro kale.

Maanta ayaa waxaa is casilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyay in uu xilkiisa iska dhigay markii shaqada xukumada ay gaabis badan ku yimid.

Is casilaada ayaa waxaa ku biiray Wasiirka Bini’aadanimada Maxamed C/laahi Garweyne kaasi oo muqdisho ka sheegay in xilkiisa uu iska casilay istiqaalana uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Saacadaha soo aadan ayaa waxa alagu wadaa in wasiira kale ay is casilaan waxaana laga baqanayaa in meesha uu ku soo haro Wasiiro kooban iyo Ra’iisul wasaaraha taasi oo ka dhigan in Xukumada ay meesha ka baxaday.

Qorshaha is casilaada Wasiirada ayaa si muuqata u soo ifbaxaysa waxaana socanaya Kulamo xasaasi ah oo Ra’iisul wasaaraha uu la leeyahay Xukumada si uu booska u buuxiyo.

Mr. Sharma’arke ayaa ka gaabsanaya ka hadalka sida ay wax u socanayaan waxaana lagu wadaa in xilli aan sidaa u dheereyn uu si cad uga hadlo wasiirada ka baxaya dowladda.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: