Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Ka Hadley Heshiiska Lala Galay Saracen International
Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda ee Dowladda FKMG Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac (Jangeli) ayaa ka hadley heshiiska dowladda FKMG Soomaaliya ay la gashay Shirkada Saracen International.
Mudane Cali Axmed Jaamac oo haatan ku sugan wadanka Mareykanka ayaa sheegay in uusan waxba kala socon heshiiska Xukuumada FKMG Soomaaliya ay la gashay Shirkada Saracen International.
Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ee Xukuumadii Ra’isulwasaare Sharma’arke ayaa sheegay in xilligii uu hayay Wasaarada Arimaha Dibada uusan soo marin heshiis ay leedahay shirkad ajnabi ah, balse Xukuumada haatan jirta ay arintaasi lug ku leedahay.
Mudane Jangeli waxaa uu sheegay in ay wax loo baahan yahay tahay in la cadeeyo cidda heshiiska la gashay hay’adaasi iyadoo aan la isku tuur tuurin, wuxuuna Golaha Baarlamaanka ku dhiiri geliyay in ay la xisaabtamaan oo ay baaraan cidda heshiiska dhabta ah la gashay shirkadaha ajnabiga ah ee dalka haatan ku sugan.
“Arintani waxay aniga ila tahay in shirkadahani ajnabiga ah ee dalka yimid ay yihiin kuwa qandaraaslayaal ah oo ay wataan ciidamada Amisom, Qaramada Midoobayna ay wax ka ogtahay, sababtoo ah shirkadahani waxay wataan wax kasta oo ah qalabkii iyo waxyaabihii ay kaga howlgali lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya” ayuu yiri Cali Axmed Jaamac.
Mudane Cali Axmed Jaamac (Jangeli) ayaa ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in marka hore la fiiriyo heshiiska shirkadaha ma yahay mid dadka iyo dalka faa’ido u sameynaya, haddii dalka iyo dadka faa’ido ku helayaan waxba yaan la isweydiin oo la isku tuur tuurin cida keentay ee hala soo dhoweeyo, haddii aysan wadin danta dadka iyo dalkana hala fiirsado ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Jangeli.
Jangeli ayaa haatan booqasho ku jooga Magaalada Virginia ee dalka Mareykanka, isagoo sheegay in uu dalka dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda.
___
RBC Radio.
Comments
comments