Wasiirka Warfafinta Dowlada Somalia oo Galabta Shir Jara’id ku Qabtay Magaalada Muqdisho
Dowlada KMG ah oo marki ugu horeysay ka hadashay qaraxii maanta lagu weeraray xarunta keydka shidaalka, iyo qarax kol hore ka dhacay degmeda Dayniile ee gobolka Banaadir
Wasiirka Wasaarada Warfafinta dowlada midnimada qaran Farxan Cali Max’uud oo galabta shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaraxii maanta uu baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay ku galay xarunta keydka shidaalka oo dugsi tababar u aha ciidamada dowlada.
Waxuu kaloo wasiirku soo hadal qaaday qarax isna 18/05/09 ka dhacay guri ku yaala xaafada Gubta ee degmneda W/dhiigleey, kaasoo uu sheegay in laga soo anbaabulayay weeraro lagu qaado danaha dowlada, isagoo hadalkiisa ku daray in waxii gurigaasi ku jiray ay qaraxaasi ku basbeeleen.
Wasiirka ayaa tilmaamay in labo gaari iyo ragii damacsanaa iney is miidaamiyeen ay kuligood ku tageen qaraxa ka dhacay guriga, waxuuna si raacsaday in shirqool dhicisoobay lagu tilmaami karo.
Isagoo wqaraxii maanta ka hadlayay ayuu wasiir Faraxan ku shegay in uu ahaa mid qasaare geystay balse ay ciidamada amniga ka hor tageen wax intaas ka badan oo uu damacsanaa ninki baabuurkaasi watay,.
Qasaraha ka dhashay ayuu ku koobay in hal ruux oo ciidanka ka tirsan uu ku geriyooday halka lix kalena dhaawacyo soo gaareen, wasiirka ayaa falkani ku sheegay mid ay ka danbeeyaan dad wax ma garato ah oo la soo adeegsaday.
Qarxii maanta ayaa inta la hubo waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 10 ruux oo isgu jira ciidan iyo rayidba, sidoo kalena tiro dhaawacyo ah aya loola cararay isbitalka Madiina oo warar danbe ay sheegayeen in dhaawacyada qaarkood ay halkaasi ku geeriyoodeen.
Wasiirka ayaa ka gabsaday inuu carababo cida uu ku tuhmayo weerarkan, iyadoo saraakiil maamulka gobolka Banadir ka tirsan oo qarax maanta ka hadashayna ay sheegen in ruux shisheeye ah uu geystay falkan.
Comments
comments