Calendar

Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed u diray hambalyada maalinta labaad ee Ciidda

1Muqdisho (www.Bartamaha.com):- 

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Cabdu qaadir Maxamed Xuseen (Jahweyn) oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta labaad ee munaasabadda ciida waxa uu tilmaamay in dalka uu soo maray xaalado kala gadisan islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay abaaro iyo dagaallo isugu darsameen balse hada ay muuqaneyso in la baxay dhibaatada xooggeeda.

Mudane Jahweyn ayaa ayaa ummada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu duceeyay in uu Allah sanadkan sanadkiisa nabad iyo baraare ku gaarsiiyo, isagoo ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin dad jecel nabadda iyo amniga kana shaqeynayaan.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay dalka dhibaatada uu uga bixi karo in dadka Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan oo ay hal meel uga soo wada jeestaan in ay iska dul qaadaan dhibaatada abaaraha iyo amni darrida.

W/D:Xafiiska wararka Muqdisho bartmaha.com

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgarsiin xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan maalinta labaad ee Ciidul Fidriga u diray dhammaan ummada Soomaaliya isagoona ugu duceeyay in uu Allaha nabad iyo hormar gaarsiiyo.Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgarsiin xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan maalinta labaad ee Ciidul Fidriga u diray dhammaan ummada Soomaaliya isagoona ugu duceeyay in uu Allaha nabad iyo hormar gaarsiiyo.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Cabdu qaadir Maxamed Xuseen (Jahweyn) oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta labaad ee munaasabadda ciida waxa uu tilmaamay in dalka uu soo maray xaalado kala gadisan islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay abaaro iyo dagaallo isugu darsameen balse hada ay muuqaneyso in la baxay dhibaatada xooggeeda.

Mudane Jahweyn ayaa ayaa ummada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu duceeyay in uu Allah sanadkan sanadkiisa nabad iyo baraare ku gaarsiiyo, isagoo ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin dad jecel nabadda iyo amniga kana shaqeynayaan.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay dalka dhibaatada uu uga bixi karo in dadka Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan oo ay hal meel uga soo wada jeestaan in ay iska dul qaadaan dhibaatada abaaraha iyo amni darrida.

W/D:Xafiiska wararka Muqdisho bartmaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: