Wasiirka warfaafinta oo ka warbixiyay Socdaalkii madaxweynaha ee kenya.
Wasiirka warfaafinta Xukuumada Somaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi oo kamid ahaa wafdiga la socday madaxwaynaha Somaaliya Socdaalka uu kenya ku yimid ayaa waxa uu wasiirka sharaxaad ka bixyay safarka Madaxweynaha iyo qorshayaasha xiga.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu maanta uu uduulayo dalka Uganda halkaasi oo casumad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha dalka Uganda.
Sidoo kale wuxuu wasiirka sheegay in arimihii madaxweynaha u yimid kenya uu soo gabagabeeyay Islamarkaana Dowlada kenya uu ka codsaday in shacabka somaaliyeed la siiyo madaxbaani oo aan la qasbin qofkii qaxootiga rabo uu isaga iska aado oo aan la qasbin Madaama dadka ganacsiyo kala duwan Nairobi ay ku leeyihiin.
Madaxweyne xasan Sheekh oo sedex bari Socdaal ku joogay Magaalada nairobi ayaa manta u dhoofay dalka Ugandha kadib Casuumaad uu ka helay madaxweynaha ugandha Sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Xakuumada Somaaliya.
Comments
comments