Calendar

Wasiirka Warfaafinta Dahir Geelle “Dowladda Diyaar ayay u tahay wada hadal”.

Daahir Maxamuud Gelle

Daahir Maxamuud Gelle

Bartamaha (Nairobi):-Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG ee Soomaaliya oo sugan dalka Yemen ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay koox walba oo diyaar u ah wada hadal si Umadda Soomaaliyeed loo badbaadiyo.

Dawladu waxay ka xuntahay dagaalada maalinkasta ka dhacaya magaalada Muqdisho oo dhibaatooyin badan u gaystay dhamaan Bulsho weynta Soomaaliyeed,waxaana ay dagaaladu uga siidarayaan maalinkasta xaalada dalka,sidaas darteed dawladu waxay diraysaa baaqii ugu danbeeyey oo Mucaaradka ay ka codsanayaso inay la heshiiyaan si dadku ay nabad u helaan“Ayuu yiri Daahir Maxamuud Geele.

Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in Caalamka ay ka codsanayaan in Dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan sidii ay wada hadal ula gali laheyd kooxaha ka soo horjeeda si xal looga gaaro dhibaatadda Soomaaliya.
Hadalkan Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa imaanaya Xilli ay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda KMG-ka ah ee Soomaaliya ay sheegeen in uu wada hadal u socdo Dowladda Soomaaliya iyo Horjoogeyaal ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda isku magacaawday Xisbul-islaam, in kastoo Maleeshiyaadka Kooxda Xisbiga ay soo food saartay Cabsi kaga timid Maleeshiyaadka Kooxda Shabab taas oo ah in la cirib tiro jiritaanka Magaca Kooxda la magac baxday Xisbul-islaam, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay socday dagaallo u dhexeeyay Labada Maleeshiyo Kooxeed kuwaas oo sababay Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka Rayidka ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.
Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan sheegtay ay dagaal ku qaadi doonto kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM balse hadalkan ka soo yeeray wasiirka Warfaafinta ayaan la ogeen sida uu u dhaqan gali doono.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska Wararka Bartamaha ee Geeska Afrika.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: