read more »">
Calendar

Wasiirka Warfaafinta Boostada & Igaarsiinta dalka Soomaaliya ayaa booqday Safaarada & Qunsuliyada Soomaaliya ee Roma (SAWIRRO)

ali 0Wefdigii Soomaaliyeed ee booqanayay dalka Talyaaniga oo  kormeeray dhismayaasha Safaarada & Qunsuliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Roma

Wefdigii uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta Boostada & Igaarsiinta dalka Soomaaliya Dr Cabdi Kariin Xasan Jaamac, Ambassador Nur Cadde iyo Axmed Sh Yusuf Guled ayaa booqday dhismihii Safaarada iyo Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Roma, Dhismaha safaarada oo ahaa qasri afar dabaq ah oo aad u qurux badan hase yeeshee uu ka muuqdo dayactir la’aan, ayaa waxay wafdigu warbixin halkaa uga dhegeysteen Safiirka Soomaaliya u jooga carigaas Ambassador Nur Cade isagoo uga war bixiyay xaalada Saafaaradu ku sugan tahay & marxaladihii ay soo martay.

[slidepress gallery='wasiirka-warfaafinta']

Safiirka ayaa sheegay in ay dayctireen Qunsuliyadii Soomaaliya taas oo iminka u ah Saafarada Soomaaliya, Ambassador Nur Cadde ayaa wefdiga ku soo wareejiyay dhamaan qeybaha safaarada oo ay joogeen shaqaalaha safaarada oo shaqadooda u gudanayay si hufan, Wasiirku wuxuu ku amaanay Safiirka dadaalka & juhdiga uu galiyay in la badbadaadiyo hantidii qaranka & in safaardu dib u biloowdo shaqadeedii, Safaarada ayaa waxaa ku sugan shaqaalo aad u karti & wadninimo badan kuwaas oo u soo dhabar adeegay sidii ay u badbaadin lahaayeen dhismayaasha Qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay dalkaas.

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: