Wasiirka Jaaliyadaha oo balan qaad u sameeyay dadka dagan Kampala.
Bartamaha (Kampala):-Wasiirka Jaaliyadaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa balan qaad u sameeyay Jaaliyadaha Soomalaiyeed ee dagan Magaalada Kampala.
C/llaahi Axmed Cabdulle Azhari Wasiirka Jaliyadaha Soomaalida ayaa sheegay in shacabka dagan Magaalada Kampala ay isdajiyaan isagoo balan qaaday in aan wax xad gudub ah lagu samayn doonin Muqdisho.
Wasiirka Jaaliyadaha waxa uu sheegay in shacabka dagan Kampala ay ka qeybqaataan baaritaanka Ciidamada ku samaynayaan dadka laga shakisanyahay isagoo balan ku qaaday in aanay marnaba la samayn doonin dhibaatada ay ka baqanayaan jaaliyada.
Wasiirkaasi waxa uu xusay in in aanay u dulqaadan doonin Qaxootiga soomaalida in loo geysto dhibaato iyadoo lala xiriirinayo qaraxyada ay sameeyeen Alshabaab.
Hadalka wasiirka Jaaliydaha ayaa imaanaya xilli Soomaalida dagan Dalka Ugandha ay ka cabsanayaan dhibaato loo geysto ka dib qaraxii ka dhacay Kampala.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments