Wasiirka garsoorka Soomaaliya oo sheegay in dawladu ay bilowday hubkadhigis laga samaynayo dalka
Wasiirka Garsoorka Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay bilowday hubkadhigis lagu samaynayo shacabka, isagoo ka digay cid aan ciidanka dawlada ahayn in hubku gacantooda ku jiro.
Wasiirka ayaa sheegay in amniga dalka aan la xakamayn karin oo ay sii soconayaan weerarada argagixisada inta ay shacabku hubka haystaan.
Waxaana wasiirku uu sheegay inaan la aqbali doonin inay Muqdisho ay kasii furnaadaan xarumaha hubka lagu kala iibsado ee loo yaqaano cir toogtaha.
Abyan ayaa sidoo kale ka digay in isbaarooyin la dhigto gobolka Shabeellaha hoose iyo qaybaha kale ee dalka.
Waxaana uu sheegay in hubkadhigistu ay bilaabatay siina socon doonto.
Soomaaliya ayaa hubku uu shacabka gacantooda galay kadib markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Comments
comments