Wasiirka Gaashandhiga iyo Safirka Jamacadda Carabta oo wada kulmey
Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada faderaalka Somaaalia C/xakiim Maxamuud Xaaji ayaa manta Kulan kula qaatey xafiiskiisa Safiirka somaaliya u fadhiyada Jaamacadda Carabta Ambassador Maxamed Cabdalla Idiris, Kulankaan ayaa ku saabsanaa sida ay Jamaacada carabta door muhiim ah uga qaadan laheyd qaadista xayiraadda dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya
Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji oo Kulanka kadib ka warbixiyey waxyaabihii ay kawada hadleyn safiirka Jamacada carabta u fadhiyo Somaalia ayaa waxa u sheegay in uu kala hadlay sida ay Jamacada carabta ah door u muhiim ugu qeyb qaadan Amniga iyo Xaasiloonida dalka Islamarkaana garab ay kasiiyaan xayiyaarada dhanka hubka ee seeran Dalka Somaalia .
Sidoo kale Safiirka Jamacadda Carabta ayaa sheegay in in amniga Soomaaliya uu muhiim u yahay amaanka jaamacadda Carabta ,isagowna dhanka kale sheegay in jaamacadda Carabta ay ka qeybqaadan doonto dib u dhiska ciidamada qalabka sida gaar haan xoogga dalka iyo taakuleyntooda.
Comments
comments