Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kulamo kula leh Addis ababa saraakiil Itoobiyaan ah
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa halkaa kulamo kula leh madaxda ugu saraysa dalkaas iyo Saraakiisha ciidamada wadanka Ethiopia.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay dhigiisa wadanka Ethiopia iyo taliyaha ugu sareeya ciidamada Milateriga dalkaas oo uu tilmaamay iney ka wada hadleen sidii ay labada dal iskaga Kaashan lahaayeen xoojinta nabadgalyada.
Waxaana sidoo kale ay labada dhinac iska waraysanayaan ciidamada Itoobiya oo goobo kamid ah gobolka Bay oo ay ku sugnaayeen fariisamooyinkoodii faarujiyay.
Inkastoo saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya ay sheegeen in ciidamada Itoobiya aysan si rasmi ah u wada baxaynin ilaa laga xoreeyo meelaha dhiman ee gobolka ayaa hadana wararku sheegayaan in ay dadweynuhu arkeen ciidamada Itoobiya oo sii baxaya.
Comments
comments