Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti oo booqday magaalada Beledweyne
Wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga dowlada dalka Jabuuti Xasan Baraar Hufane, taliyaha ciidamada Fatxi Axmed Xuseen iyo abbaan duulaha ciidamada Jabuuti Sakariye Shiikh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa sidoo kale wafdiga sii raacay safiirka u fadhiya Jabuuti, Soomaaliya Dayib Dabbad Rooble.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda dalka Jabuuti ayaa Wafdiga ku soo dhaweeyay Beledweyne.
Waxaana inta ay booqashadoodu socoto ay warbixino ka dhagaysan doonaan ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne kuwaasoo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.
Comments
comments