Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Fd soomaaliya oo maanta shaaca ka qaaday in ay masuuliyada weerarka ay dowladu lahayd.
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Fd soomaaliya Maxmed Cabdi Gaandi ayaa shirjaraa’id uu galinkii danbe ee maanta Muqdisho uu ku qabtaya ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii manta ay dowlada soomaaliya ka masuul ahayd maadaama markii hore la doonayay in xukunka laga tuuro.
Wasiirka ayaa shirkiisii jaraa’id waxa uu ku sheegay in ciidamada dowlada Fd soomaaliya ay howlgalo ula dhaqaaqeen wadada Wadnaha Ee Muqdisho halkaasi oo uu sheegay in xarumaha dowlada weeraro lagaga soo abaabulayay.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowlada soomaaliya ay iska caabisay weerar kaga yimid kooxo uu ku tilmaamay Nabad diid kuwaasi oo doonayay in ay meesha ka saaraan dowlada midnimada Qaran ee soomaaliya.
Mud.Gaandi ayaa si weyn isaga fogeeyay madaafiicii manta ku habsanaysay mela ka mida muqdisho in ay dowladu ka danbeysay taasi oo uu sheegay in ay kooxaha Ajaanibta watta ay deeganada rayidka u qeybiyeen madaafiic si dowlada dadka loo nacsiiyo.
Wasiirka Difaaca dowlada soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu guula ka sheegay in ay ciidamada dowlada ka gaareen dagaalkii qorshaysnaa ee manta ay qaadeen kuwaasi oo uu sheegay in ay deegaanka Bakaaraha ilaa wadada Wadnaha ay milkiyeen ciidamadooda.
Hadalkaasi xilliga wasiirka Difaaca uu sheegayay ayaa bwaxaa gabi ahaanba dagaala ay ka socdeen gooba aan ka dheereen xarunta madaxtooyada halkaasi oo uu wasiirka ku sugnaa iyadoo saacad ka dibna ay ciidamada dowlada ay ku soo noqdeen wadada Makka Almukara iyo Xarunta Villa Somalia.
Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments