Wasiirka Gaashaandhiga DKMG oo Gaaray Degmooyinka Luuq iyo Beledxaawo
wasiirka gaashaandhiga DKMG C/xakiin Maxamud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ay maanta booqasho ku tageen degmooyinka Luuq iyo Beledxaawo.
Wasiirka oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan oo ka tirsan DKMG ayaa shalay soo gaaray degmada Doolow iyadoo maantana ay u soo dhaqaaqeen Luuq iyo Beledxaawo halkaasi oo ka mid ah goobihii dawladu ka qabsatay Al Shabaab.
Wasiirka ayaa markii uu gaaray Luuq wuxuu kulan la yeeshay saraakiil iyo masuuliyiinta gobolka Gedo ee DKMG halkaa ka jooga iyadoo laga wada hadlay dagaaladii ka dhacay gobolka dhawaan, wuxuuna wasiirku amaanay ciidamada dawlada dagaaladii dhawaan ay degmooyinka gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kaga qabsadeen Al Shabaab.
Xildhibaan Maxamud Sayid Aadan oo ka mid masuuliyiintii kulanka ka qeybgashay ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada iyo wasiirka ay isku afgarteen sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, siduu yiri.
Comments
comments