Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dowlada Jabuuti oo dhexdhexaadin ka bilaabay Madaxda Dowlada KMG ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jabuuti ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho kaasi oo dhexdhexadin ka dhexbilaabay Madaxda sare Ee Dowlada.
Xaamud Cabi Suldaan Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jabuuti ayaa ku mashquulsan sidii uu u kala badbaadin lahaa madaxda siyaasada ku sii kala tagaysa.
Wasiirka ayaa u yimid Magaalada Muqdisho si uu u dhexdhexaadiyo Madaxda sarsare oo haatan khilaaf adag uu ka dhex aloolsanyahay kaasi oo keeni kara in Dowlada ay burburto.
Jaubuuti oo ah Dowlada dalkeeda lagu soo dhisay Dowlada fadhiidka ah Ee Madaxweyne Shariif ayaa waxa ay inta badan ku mashquulsantahay badbnaadinta dhismaha Dowladaasi.
Wasiirka ayaa maanta lagu wadaa in uu kulamo kala gooni ah la kala qaato Madaxweyne Shariif,Ra’iisul Wasaare Sharma’arke iyo Sheekh Aadan Madoobe oo si kala gooni ah isku haya.
Xaamud Cabdi Suldaan ayaanan la ogayn qaabka uu u dhexdhexaadinayo madaxdaasi oo u muuqda kuwa siyaasada ku kala tagay khilaafkoodana meel walba laga dareemayo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments