Wasiirka difaaca Soomaaliya oo maantay u ambabaxay dalka Jabuuti
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku sii jeeda dalka Jabuuti.
Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud fiqi Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo ka hor inta aanu wafdiga ka duulin Gegida Aadan Cade kula hadlay Warbaahinta gudaha Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in jabuuti uu uga sii horeeyo Ra’isal Wasaaraha ayna Madaxda dalkaasi kala soo hadli doonaan iskaashiga labada dhinac.
Mr Fiqi ayaa sheegay in sidoo kale ay u sii kici timi doonaan dalka Yemen isaga iyo Ra’isal Wasaare Saacid oo haatan ku sugan dalka Jabuuti.
Sikastaba Dowladda Jabuuti ayaa waxa ay Ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya iyadoo qeyb fir fircoon ka ah Howl Galka Ciidanka Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya ee AMISOM.
Comments
comments