Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo booqasho ku jooga dalka Ciraaq (Sawirro)
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku jooga dalka Ciraaq, kaasoo ah lugtii labaad booqasho ay ku marayaan dalal ka tirsan Jaamacada Carabta.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa magaalada Baqdad kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Nuuri Al-Maliki oo ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Wasiirku uu u gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Arrimaha gudaha Ciraaq Cadnaan Al-haadi Al-asadi, isagoo kalahadlay arrimo badan oo la xiriiray xaga amniga, iskaashiga labada wasaaradood iyo sidii dowladda Ciraaq ay u taageeri laheyd Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale ka hadlay sidii ay hey’adaha amniga labada dhianc isu weydaarsan lahaayeen macluumaadka la xiriira amaanka iyo arrimaha la dagaalanka Argagixisada.
Dalka Ciraaq ayaa ka mid ah dalalka ay dhibaatooyinka ka dhacaan, sida qaraxyada oo maalin walba ay ka dhacaan magaalooyinka dalkaas, kuna dhintaan daraasiin dad ah.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa booqasho ku tagay dalka Yemen oo ka mid ah dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya, isagoo kula soo kulmay madaxda dalkaas oo uu kala hadlay taageerida dowladda Soomaaliya.
Loogama baran in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay tagaan dalka Ciraaq oo tan iyo sanadkii 2004-tii uu duulaan Mareykanka hogaaminayay uu ku riday dowladdii Sadaam Xuseen, hase ahaatee sanad ka hor ayaa waxaa Ciraaq booqasho ku tagay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo uu kaga qeyb galay shir madaxeedkii Jaamacada Carabta.
Comments
comments