Wasiirka Arimaha Gudaha oo xalay la seexday Ciidanka Dowlada.
Bartamaha (Muqdisho):- Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada KMG ah ayaa Xalay la seexday Ciidan tababar uga socdo mid ka mida Xeryaha Ciidanka Muqdisho.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo hadda ah Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada KMG ah ayaa Xalay dib u soo xasuustay xilli uu ahaa Hogaamiye Ciidankii Maxkamadaha Islaamiga ee la dagaalamayay Rthiopia iyo Dowladii C/laahi Yuusuf.
Wadaadkan Wasiirka ah ayaa Xalay waxa uu la seexday Ciidanka Dowlada ee tababarka uga socdo Xerada Haama-dhowr oo ku taala Magaalada Muqdisho halkaasi oo boqolaal askar ah lagu tababarayo.
Wasirka Arimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar oo saakla saxaafada la hadlayay isagoo ku sugan Xerada Ciidanka ayaa waxa uu sheegay in askarta Dowlada ay yihiin kuwa doonaya wax qabad iyo shaqa hufan balse ay u baahanyihiin dhira galin.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa Xilli Ciidanka uu la hadlayay waxa uu sheegay in mar waliba uu ku dhex jiri doono si ay u aaminaan shaqada ammaan sugida in ay ka wada dhaxayso dhammaan Madaxda iyo Ciidanka.
Masuulkan ayaa Xalay ka mid ahaa Ciidanka waxaana horay sidaa oo kale askarta la seexday oo aaga dagaalka la galay Madaxweyne Shariif oo ay ammaankiisa sugayaan Askarta Amisom.
Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu horay u ahaa sanadihii 2004 iyo 2005 nin Qoriga sitay ahaana masuulkii Maxkamadaha Islaamiga ee Midoobay waxaana la mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha ninka haatan ah oo xilli ahaa Hogaamiyihii Gudaha ee Maxkamada Islaamka markii ay kala carareen madaxdii sare ee Maxkamada isagoo ka hor ku xigeen u ahaa Madaxweyne Shariif waxaana la aaminsanyahay in haatan ay isbadal balaaran sameeyeen islamarkaana ay Ciidanka ka dhex bexeen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments