Wasiirka Arimaha Gudaha oo kormeel xaley ku maray Qeybo kamid ah Isgoysyada Muqdisho [SAWIRO]
Wasiirka arimaha gudaha xakuumada somaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo xalay Socdaal ku maray Isgoysyada degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Howlwadaag iyo Wartanabada ayaa waxa socdaalkiisa aheyd u kuurgalida xalada aamniga ee degmooyinkaasi.
Sidoo kale socdaalka Wasiirka ayaa waxa ka mid ahaa taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye iyo taliyaha ciidamada nabad sugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Erag.
Wasiirka ayaa kormeerkiisa kadib waxa uu sheegay ay sii socon doonaan howlgallada ciidamada ay ka Wadaan caasimada dalka, iyagoo si wadajir ah u sameyndoono howlgallada iyo Kormeerada lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada dalka.
wasiirka Arimaha gudaha ayaa kormeerki ugu horeeyay xaley ka sameeyay qeybo kamid ah degmooyinka muqdisho tan iyo markii uu la wareegay xilka wasaaradaasi.
[slidepress gallery='wasiirka-arimaha-gudaha-oo-kormeel-xaley-ku-maray-qeybo-kamid-ah-isgoysyada-muqdisho']
Comments
comments