Wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG oo ku tilmaamay dadka dagaalada Muqdisho ka wada kuwa ay dhibayso nabadda
Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in ay jiraan dad ay nabaddu dhibayso islamarkaana dagaalo ka hurinaya gudaha Magaalada Muqdisho.
Â
Kadib shir jaraa’id oo uu manta ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho wasiirka arimaha gudaha dowladda Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayuu waxaa ugu hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacayay Magaalada Muqdisho,isagoo sheegay in ay u dhaxeeyeen ciidamo nabadda ka shaqeynaya iyo kuwa uu ku tilmaamay in ay nabaddu dhibayso sida uu yiri.
Â
Wasiirku waxaa uu meesha ka saaray in xiligaani la dagaalamo maadaama sida uu sheegay Xukuumadda iyo Barlamankuba ay qaateen waxyaabihii loo dagaalamayay ee ahaa ku dhaqanka Shareecada islaamka.
Â
Waxaa uu ugu baaqay dadka uu sheegay in ay dhibaato ka shaqeynayaan in ay dagaalada joojiyaan oo ay nabadda qaataan,isagoo tilmaamay inaysan waxba soo kordhiunayn dhiig Muslim oo la daadiyo.
Â
Ugu dambeyntii Wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa waxaa uu  tacsi u diray dhamaan dadkii ku wax yeeloobay dagaaladii ka dhacay shalay Magaalada Muqdisho
Comments
comments