Calendar

Wasiirka Arimaha dibadda Turkey oo yimid Muqdisho – Sawiro

Wasiirka arimaha dibadda dalka Turkey-ga Ahmet Davutoglu oo booqasho ku yimid magalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sarsare ee dalka.

Ahmet Davutoglu waxa u hadal u jeediyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya uu u sheegay iney yihiin kuwo xaaladda adage e dalka ku jira iyagoo ku dhex nool adane u shaqeynaya shacabka Soomaaliya ayna amaan badan mudan yihiin.

“Waxaan Muqdisho u soo dirnay Injineeradeenna si ay usoo qiimeeyaan waxa aynu ka qaban karno xarunta golaha shacabka inagoo ka jawaabeynay codsiga gudoomiyaha Baarlamaanka waxeyna noo sheegeen in xaruntan aysan ku filneyn dayactir oo ay dhulka dhigayaan kadibna ay ka hirgelinayaan dhisme casri ah,waxaanna rajeynaynaa inaan ku guuleysano” Ayuu yiri Wasiirka

“Balankaadkaan waa Mid Turkey idin sameynayo , ma aha mid kale” Ayuu raciyey Ahmet Davutoglu

Dhanka kalane Wasiirka arimaha dibadda Turkey waxa uu kulan la qaatey madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud oo ka wada hadleen taageradda ay Turkey-ga siinayso wadanka Soomaaliya iyo isbadalada dhacay.

Ahmed Davutoglu waxa uu madaxweynaha u xaqiijiyey iney sii wadayaan taageradda ay siinayaan Soomaaliya uu sheegay iney mashaariic badan ay ka sameyn doonaan meelo badan oo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ayaa uga mahadceliyey wadanka Turkey-ga taageradda uu siinayo wadankiisa uu sheegay iney ay waligooda lahayeen xiriir wanagsan oo so jireyn ah.

Turkey-ga waxa uu yahay mid si wayn ugu soo gurmaday wadanka Soomaaliya markii sanadkii hore ay ku dhufatey abaar iyo macluul baahsan waxana ay dadka Soomaalida iyo dowladdaba ay u hayaan abaal badan.

[slidepress gallery='wasiirka-arimaha-dibadda-turkey-oo-yimid-muqdisho']

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: