Wasiirka Amniga Dowlada Fd Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo hogaamiyayaal la socda oo galabta gaaray Magaalada B/Weyne.
Bartamaha(Muqdisho):-Wafdiga uu horkacayay Wasiirka Amniga Dowlada Fd soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ayaa waxa ay si Nabad ah waxa ay ku gaareen galabta Gudaha Magaalada Balada Weyne halkaasi oo ay ka dageen Hotelka Madiina oo bartamaha Magaaladaasi Ku yaala.
Â
Wasiirka Amniga Dowlada Fd soomaaliya oo ay galbinayeen Gawaari dagaal oo gaaraya ilaa 30-Gaari ayaa waxa ay galabta galeen gudaha Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Hiiraan halkaasi oo ay dhawaanahan isaga soo horjeedeen ciidamada Maxkamadaha Dowlada raacsan iyo kooxaha Xizbul Islaam iyo Alshabaab oo meela ka mida B/Weyne ku sugan.
Â
Xubanaha la socda wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Yuusuf Axmed Hagar (Y.Dabageed) iyo C/Kariin Faarax Laqanyo oo ahaa Safiirkii dowlada Soomaaliya u fadhiyay xilli Addis Abbaba iyo madax kale oo ka mid ahaa maamulkii hore Ee Deegaanadaasi.
Â
Ciidamada Galabta soo galay B/Weyne ayaa durbaba gaaray goobaha ay isaga soo horjeedeen ciidamada maamulka Maxkamadaha iyo ciidamada kooxda Xizbul islaam iyadoo ay sidoo kale xereen wadooyinka soo gala magaalada iyo hareeraha Hotelka ay masuuliyiintaasi dageen.
Â
Xaalada magaalada B/Weyne ayaa noqotay mid gashay jawwi dareen dagaal maadaama ay ciidamada haatan soo galay ay yihiin kuwa horay hanjabaadyo u dhexmartay ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa kale oo horayba u mucaaradsanaa ciidamadaasi haatan isqoomaya.
Â
Lama oga ujeedada socdaalka Cumar Xaashi Aadan Wasiirka Amniga Dowlada Fd Soomaaliya iyo xubnaha la socda ee hogaamiyayaasha dagaalka ay ka midyihiin iyadoo dhawwaan warar soo baxayay ay tilmaamayeen in masuulkaasi uu duulaan ku yahay kooxaha Mucaaradka ee kaabiga ku haya magaalada B/weyne in ay la wareegaan iyo dhaammaan gobolkaasi Hiiraan.
Â
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho- Somalia
Comments
comments