Calendar

Wasiirka ammaanka oo eedeeyey Eritrea

Wasiirka Ammaanka Qaranka Somalia, Cumar Xaashi Aadan ayaa ku eedeeyey Eritrea in-ay hub ka dajisay Balli-doogle si ay usii huriso colaadda jirta, una xagal-daaciso DKMG ah.

Dhagayso Waraysiga Cumar Xaashi

Wasiirka ayaa sheegay in Talaadadii iyo Jimcihii lasoo dhaafay ay laba diyaarado oo wada saanado hub ah ka dageen garoonka Balli-Doogle ee ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose.

Wuxuuna wasiirku intaas ku daray in markii uu isagu ka tirsanaa kooxaha muqaawamada, ee ay saldhigga ku lahaayeen dalka Eritrea, in Asmara ay u sheegi jirta ineysan hub geyn karin Somalia.

“Horeba waa u caddeysatay dowladda Eritra, ineysan dowlad Soomaaliyeed dhalan,” ayuu si kulul u yiri wasiirka. Eritrea waxaydooneysaa buu yiri “Somalia inay noqoto meel fowdo ah. Somalia inay noqoto meel ay muqaawamooyin Somali ah iyo dowladda Ethiopia ku hardamaan.”

Wasiirka ayaa sheegay in dalal loo tirin jiray inay cadow ku yihiin Somalia, ay hadda daneynayaan inay nabad ka dhalato dalka. Wuxuuna dowladda Eritrea uga digay inay hagardaameyso Somalia, wuxuuna sheegay in madaxda Eritrea ay isticmaali jireen baasaboorro Soomaali ah, markii ay mucaaradka ku ahaayeen dowladda Ethiopia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: