Wasiiradii Xukumada Fd Soomaaliya oo maanta lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada.
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirada Cusub Ee Xukumada Fd Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Villa Somalia.
Munaasabad Maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah jagooyinkii loo magacaaabay loo dhaariyay 10-wasiir oo ka mida wasiiradii dhawaan loo dhisay Xukumada Fd Soomaaliya .
Munaasabada maanta ka dhacday Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Iyo ra’iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka Kaluumaysiga .
Dhaarinta Wasiirada ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday iyadoo wasiirada uu dhaariyay wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka.
Inta ay munaasabada Socatay ayaa waxa duqeyn ba’an loo geystay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyadoo aan la xaqiijin Karin qasaaradii ay geysteen wallow ay bartamaha iyo hareeraha xarunta ay ku soo dheceen madaafiicdaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments