Calendar

Wasiiradda Lacagta ee Soomaaliya iyo dalka Azerbaijan oo kulmay

Eng C/raxmaan Yariisow

Eng C/raxmaan Yariisow

Bartamaha (Nairobi):-Wasiirka Lacagta ahna sii hayaha Wasaaradda Maaliyada C/raxmaan Cumar “Eng Yariisoow” iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Azerbaijan ayaa la kulmay dhigiisa Wasiirka lacagta ee dalkaasi xilli uu wasiirka ka qeyb galayay Shir dalalka Islaam-ka ooga socda dalka Azerbaijan.

Wasiirada lacagta ee dalalka Islaamka oo ku kulmay dalka Azerbaijan ayaa ka wada hadlay horumarinta dalalka islaamka iyadoo shirkaasi ay soo qabanqaabiyeen Bangiga Horumarinta dalalka Islaamka.

Dowladda Soomaaliya oo shirkaas ooga qeyb galayaan Wasiirka Lacagta ahna sii hayaha Wasaaradda Maaliyada Eng C/raxmaan Yariisow uuna la socdo Gudoomiyaha Bangiga dhaxe ee Soomaaliya Bashiir Ciise iyo wufuud kalle ayaa sheegay in ay ku dadaali donaan in ay ka kulmaan Wasiiradda Lacagta iyo kuma Maaliyada ee dalalka Islaamka inta uu socdo Shirkaasi.

Wasiirka Lacaga ee Soomaaliya iyo Wasiirka Lacagta ee dalka shirka Horumarinta Islaamka ee dalka Azerbaijan ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka midyihiin sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa iyadoo Wasiirka Lacagta ee Soomaaliya uu dhigiisa dalka Azerbaijan ka codsaday in xaaladda dalka Soomaaliya ka jirto ay wax ka qabtaan.

Eng. Yariisoow ayaa sheegay in kobcinta dhaqaalaha waddamada Islaamka iyo hagaajinta maamulka dhaqaalaha dalalka looga hadli doono shirka, ayadoo uu qadan doono muddo 4 maalin ah, waxaana sidoo kale si wayn diiradda loo saari doonaa dejenta miisaaniyadda dhaqaalaha dowladaha wadamada Islaamka ee sanadka soo socda .

Dalka Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 aysan ka jirin dowladda Dhaxe oo xoog leh ayaa waxaa ay dowladda KMG ee dalka Dibadiisa lagu soo dhiso ku dadaalayaan sidii Soomaaliya ay dowlad xoogan u heli laheyd balse wali arrintaasi ma muuqato.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiirka wararka Bartamaha ee Geeska Africa.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: