Wasiirada Caafimaadka Dowlada Fd Soomaaliya oo maanta Booqatay Isbitaalka Madiine Ee Muqdisho xilli horay balan qaad ay samaysay afka uu ku ekaaday.
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirada Caafimaadka Dowlada Fd soomaaliya Qamar Aadan Cali ayaa maanta booqasho ku tagtay Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho halkaasi oo la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa dagaalada maanta Muqdisho ka socday.
Wasiirada ayaa waxa ay soo kormeertay dhaawacyada Jiifa Isbitaalkaasi Madiina halkaasi oo maanta oo qura la dhigay in ka badan 50-ruux oo ku dhaawacmay dagaaladii ugu danbeeyay ee Maanta ka dhacay Muqdisho.
Wasiirada Caafimaadka Qamar Aadan Cali ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay la tacaali doonto dhaawacyada yaala Isbitaalkaasi Madiina oo inta badan ah mid dhaawacyada looga qaado lacago aad u culus wallow saxaafada loo sheego in uu ICRC ay lacag la’aan wax ku daweyso.
Qamar Aadan Cali ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay iyada iyo Wasiirka arimaha Gudaha booqasho ku tageen Isbitaalkaasi iyadoo ay balan qaad u sameeyeen dad dalka gudihiisa wax looga qabanwaayay kuwaasi oo labadaasi masuul hadalkoodu aanu afka dhaafin.
Lama oga halka ay ku danbeysay balanqaadkii loo sameeyay 8-ruux oo xaalad halis ah ku sugnaa kuwaasi oo ay dowlada magaceeda ku balanqaaday Wasiirada Caafimaadka Qamar Aadan in wax loo qabandoono Dibadana lagu soo daweyn doono.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments