Calendar

Wasiirada arimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Jangali

SANCA(www.Bartamaha.com) Wasiirka arimaha dibedda ee dalka yemen abu bakar al qibri ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada sanca ee xarunta dalka yemen dhigiisa soomaaliya Cali Axmed jaamac (Jangali).

labada wasiir ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka soomaaliya gaar ahaana dhinaca hormumarka dawlada federalka kumeel gaar ah ee soomaaliya iyo sidoo kale waxyaabihii lagu soo qaaday kulankii 14aad ee madaxda qaaradda afrika ay ku yeesheen magaalada addis ababa ee dalka Ethiopia.

Wasiirka arimaha dibedda ee dalka yemen ayaa xusay taageerada dawladda yemen ay u hayso shacbiga soomaaliyeed iyo hogaankooda si dawladda soomaalidu ay u hanato nabadda amaanka iyo xasiloonida guud ahaanba dalka soomaaliya oo 19kii sano ee ugu dambaysay aysan ka jirin dawlad dhexe oo sugto xasiloonida guud ee dalkaasi.

Wasiirka waxa uu xaqiijiyay in arimaha soomaaliya ay ku bixin doonaan taageero walba oo wax ka taraysa dhibaatooyinka ka jira dalka soomaaliya gaar ahaana iska horimaadyada u dhaxeeya dawladda uu hogaamiyo madaxweyne shariif sheikh axmem iyo mucaaradka hubeysan ee alshabaab iyo xizbul islaam, waxa uuna wasiirku intaasi raaciyay iney sidoo kale sii wadi doonaan taageerada hagar la,aanta ah ee ay siiyaan qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan dalka yemen.

“hogaanka dalka yemen waxa uu balan qaadayaa inuu sii wadayo taageerada uu siiyo dawladda soomaaliya dhinaca walba iyadoo aan sidoo kale sii wadi doono taageerada iyo marti gelinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan dalka yemen, sidaasi waxaa yiri wasiirka arimaha dibedda ee yemen.

dhinaca kale wasiirka arimaha dibedda ee dalka soomaaliya cali jaamac axmed (jangali) ayaa uga mahad celiyay dawladda yemen taageerada aan hagar la,aanta ahaeyn ee ay la garab taagan tahay dalka soomaaliya, waxa uuna wasiirku xusay sida ay dawladda soomaaliya uga go,an tahay iney dib u soo celiso amniga guud ee qaranka soomaaliya, waxa uuna wasiirku intaasi raaciyay si arintaasi ay u suuro gasho iney muhiim tahay in la xaqiijiyo in dawladda kumeel gaarka ah ee soomaaliya loo xaqiijiyo iney hesho taageerada caalamiga ah ee loo balan qaadey.

si kastaba ha ahaatee arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo kal hore ay mid kamida kooxaha mucaaradka ee soomaaliya ay horey ugu hanjabtay xukuumadda cali cabdal saalax, ayna wacad ku martay iney u gurman doonaan jabhadda xuutiyiinta ee ka dagaalanta waqooyiga dalka yemen kuwaasi oo dagaal kula jira dawladda uu hogoomiyo madaxweyne cali cabdalla saalix.

Ubah Mohamed Suleiman.

Madaxa Xayaysiinta iyo Arimaha Bulshada.

Nairobi, Kenya

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: