Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha Bulshada “Axmed Madoobe Waa Shaqsi ka tirsan Saraakiisha Dowladda waxuuna noo qaabilsan yahay gacan kudhigista jubooyinka”
Mugadisho/Bartamaha:Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha C/rashiid Maxamed Xidig oo ah ayaa sheegay mar uu saxaafda la hadayay in dagaal xoogan ay ku qaadi doonaan Jubooyinka si ay ula wareegaan Xarumaha Shabaab ay haatan gacanta ugu hartay.
“Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) waxuu ka tirsan yaahy Saraakiisha Dowladda FKMG Soomaaliya, waxuu noo qaabilsanyahay Jubooyinka, waxuu dagaal xoogan kula jiraa Shabaabka” ayaa lag asoo xigtay C/rashiid Maxamed Xidig o ah Wasiir ka tirsan Dowladda.
Mr Xidig aya sidoo kale sheegay in Dagaalka uu ku koobnaan doonin Jubooyinka o qura balse ee Qorsheenayaan inay dagaalo kula wareegaan Dhamaan Goobaha Ee Shabaabka ka taliyaan oo ay hadda ku jiraan Qorshe Dagaal oo Laba Geesood ah oo ay ku weerarayaan Kismaayo waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Shaqada iyo, Shaqada iyo Shaqaalaha .
Hadlka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha Bulshada C/rashiid Max’uud Xidig ayaa ksuoo beegmaya xilli Deegaanka Diif ay maalmihii u dambeeyay ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeyay ciidamo uu hogaaminayo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Midoobe) iyo Meleeshiyadka Shabaab kuwaasi oo isku haya gacanta ku haynta deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose.
Ugu danbayntii Mr Xiddig ayaa ku cel celiyay in Axmed Madoobe uu yahay Shaqsi ka tisarn Saraakiisha Dowladda FKMG Somaaliya una qabilsan Dagaalada Jubooyinka loogu sifeenayo Mucaaradka Shabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.com
Comments
comments