Washington: Dacwad lagu soo oogay nin horay u dilay Wiil Somaali ah.
Bartamaha (Nairobi):-Gudiga Maxkamada Sare ee Magaalada Washington ayaa dacwac ku soo oogay Jaycee Fuller oo ah 32 jir u u dhashay wadanka Maraykanka oo horay u dilay Mohamed Ahmed oo ah wiil somaliyeed oo tagsiile ah
Mohamed ahmed oo ah 22 jir u Somalia ah kuna xamaalan jiray Taxi ayaa meedkiisa laga helay bishii March 8, 2009 meel u dhow Tagsigiisa.
Gudiga maxkamada sare ee Waashintoon ayaa dacwad ku soo oogay Jaycee Fuller ayaa sheegeen in ay heleen cadeymo dhameystiran oo sheegaya in isagu uu ka dambeeyo dilka loo geystay ninka Soomaaliga ah oo lagu magacaabayay Mohamed Ahmed oo 22 jir ah.
“Fuller ayaa dilay ninkaan, waxaana uu horay u ahaa taksiile kale waxaa uu ku dhiftay Booca kadibna tooreeyay ayuu shafka kaga dhiftay, waxaa uuna dhac u geystey taksigiisii, waxaana taas cadeynaya dhiiga meesha ka muuqanayay ee Max’uud Axmed iyo DNA-da Fullerâ€sidaasi ayay yiraahdeen qareenada maxkamada Magaalada Washington
Jaycee Fuller ayaa la aaminsayahay in uu ka midyahay dadka aadka u neceb dadka ajaanibta ah iyadoo uu ahaa shaqo la’aan xilliga uu dilka u geesanayay wiilka somaliga ah.
Nin lagu magacaabo John Chein oo u muuqda in uu abuukaate u yahay Fuller ayaa isna sheegay in wax cadeymo ah oo muujinaya in Fuller uu dilka u geystay Taksiilaha Soomaalida aan laga helin taksiga dhexdiisa ama dhac loo geystay intaba iyadoo la filayo in 12-ka bisha March ay maxkamada go’aan ka gaari doonto kiiska Jaycee Fuller oo ah ninka dilay wiilka somaliga ah.
Ma ahan markii ugu horeesay oo qof Somali ah lagu dilo dalka Mareekanka iyadoo mar walba ay sii badaneeyso tirade dadka Somalida ah ee dhibaatadda loogu geesto qaybo ka mid ah dalka Mareekanka haba ugu badnaato gobalka Minnesota oo ah meesha somaliga ugu badan ay ka daganyihiin dalka US.
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentlemanâ€
[email protected]
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya
Comments
comments