Wasarada Dekadaha & gaadiidka Badda Pl. oo amartay in dekadda laga Saaro Gaadiid badeed muddo ku jiray (sawirro)
Bosaso_ Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda dowlada Puntland ayaa amartay in muddo ku siman 15- beri looga saaro gudaha Dekadda gadiid badded isugu jira Doonyo iyo Maraakiib.
Wasiirka Dekadaha, gaadiidka Badda iyo ladagaalanka Burcad badeeda Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa sheegay in gaadiidkaan oo muddo labo sano ah ku xirnaa dekada ay suurta geliyeen culayska dhanka dhaq-dhaqaaqa Dekadda ah.
…,,,, Arintani waxay keentay in doonyaha wax kadejinaya Dekedda ay waayaan meelo ay ku kala wareegaan, waxaana suurta gal noqon karta in gadiidkani ku degaan dekadda maadama ay muddo ku xirnaayeen …,, ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa xusay in muddada ay uqabteen hadii gaadiidkani looga saari waayo dekadda ay maxkamad horgayn doonaan.
Arintaan ayaa imaanaysa xili Wasiirka cusub Cabdullahi Jaamaca Saalax uu sheegay in bilaha soo socdo adeegyo horumarineed laga bilaabi doono dekadda Bosaso.
Comments
comments