Wasaaradda Kalluumeysiga DKMG ah oo ku amartay dadka dagan dhimayaasha wasaaraddii horre in ay kaga guuran mudo 24-saacadood
Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdi raxmaan Shiikh Ibraahin oo Maanta kormeer ku tagay xarumihii ay wasaaradaasi ku laheyd Magaalada Muqdishio ayaa sheegay in laga rabo dadka dagan dhismooyinkii wasaaradda in sidda ugu dhaqsiyaha badan uga guuran si loogu shaqeeyo bulshadda.
Cabdi raxmaan Shiikh Ibraahin ugu horren kormeerkiisa ka billaabay xaruntii wasaaradda Kalluumeesiga ee degmada Cabdi casiis, guryihii Wasaaradda ee ku yaalay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, Kawaaanka Mallaayga, iyo guryihii Iskaashatooyinka, iyadoo dhamaan meelahaasi uu wasiirku kormeerka ku tagay ay deganaayeen dad rayid ah.
Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka deggan xarumaha wasaaradda in ay la soo xiriiraan wasaaradda si looga hadlo arimaha deegaameysiga dhismayaasha wasaaradda.
Sidoo kale wasiirku waxa uu ku wargeliyay hay’adda Iskaashatooyinka Kalluunka in ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda, isagoo intaa ku daray in ay tirakoob iyo dub u soo celinba ku sameeynayaan hantida wasaaradda si ay dib ugu howlgasho.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.