Calendar

Wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland oo shaacisay in ay wado barnaamij wax soo saarka beeraha lugu hormarinayo

beeraha puntland
Bartamaha — Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beerha iyo waraabka Puntland Burhaan Cali cilmi ayaa shaaca ka qaday in Wasaaradda Beerha iyo waraabka Puntland Qorshaynayso in ay dhawaan fuliso barnaamij lugu hormarinayo beeraha Puntland.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in barnaamijkaa uu yahay mid la doonayo in wax soo saarka beeraha kor loogu qaado asagoo tilmaamay in dadka beeralayda la isku dayi doono in la fahansiiyo in ay wax soo saartaan.Burhaan Cali Cilmi ayaa intaa sii raaciyay in barnaamijkaa ay dhawaan tijaabadiisa ugu horaysa ka fulin doonaan deeganka 22aad ee waqooyiga 22 Km kaga beegan Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ayaa ugu danbayntii ugu baaqay Beeralayda Puntland in beerahooda qotaan si wax ay u soo saraan waxuuna sheegay in hadii ay ta samayaan wax badan isbedali doonaan.

Hadlka wasiirka ayaa imaanaya xili ay fara badatey in ay daruuri tahay in horumar la gaarsiiyo Puntland oo tan kaliya oo lagu gaari karo horumarkaasna yahay in aan ka kaaftoono in ay shisheeye wax na taro, waa in marka hore wax tarku uu ka yimada anaga dhexdeena.

Somalia waa dal qani ah oo kheyraad badan uu dhex yaal lakiin dadkii lasoo bixi laha ayaa la raba oo waa in ay dowlada Puntland ay u fududeyso qaabkii loola soo bixi laha nimcada dalkeena taal oo la bara dadka qaabka ay ula soo bixi lahayeen nimcadaas fara badan oo ala nasiiyey  & iyadoo lanaga rabo dadaal badan oo aan kor ugu qaadeyno wax soosaarka Gobolada Puntland.

Xiligii Dowladii hore ee somalia jirtey ayaa waxa hubaal ah in ay somalida soosaaran jireen waxa ay cunaan iyo waxa ay xirtaan, iyagoo kor u qaadey wax soosaarka dalka ,dakhli xooglehna soo galiyey dowladii markaas jirtey. Dakhligii Dowlada kasoo galijirey warshadaha ayaa waxa lagu qiyaasey 40%.

Warshadihii ka jirey wagaas somalia ayaa waxa ka mid ahaa :
* Wershedda Sonkorta Jawhar:
1919 ayaa shirkad talyaani asaastay wershadda sonkorta ee Jawhar, Sannadkii 1960 kii ayaa wershaddaas 50% kamida loo ogolaaday Soomaaliya.
* Wershedda Cusbada Xaafuun:1922 ayaa shirkad Talyaani ah asaastay wershadda cusbada [solar Salt production]. Waxaan laga dhisay Hurdiye – xaafuun. Wershaddaasi waxay soo saari jirtey cusbo dhan 250,000 ilaa 300,000 tons sannadkii. Waxaana wershaddaas hawlgab ku noqday dagaalkii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee 1940-1941.
* Wershedda Caanaha Xamar: 1965 ayaa wershadda caanaha ee xamar shaqa bilawday. Wax soosaar keeduna wuxuu ahaa 10.000 litir oo caano ah maalintii.
* Wershedda Hilibka Kismaayo:
1968 ayaa la dhamaystiray wershadda hilibka ee kismaayo. Waxayna qali jirtey sannadkii 60,000 neef oo lo’ah, si ay u soo saarto 20 million oo hilib qasacadaysan ah.
* Wershedda Kalluunka Laasqoray:
1969 ayaa la dhamaystiray Wershadda Kalluunka ee laasqoray. Waxayna shaqo ku bilawday 5,000 tons oo qasacadood oo Toono ah sannadkii.
* Wershedda Dharka Balcad:
1969 ayaa la dhamaystiray wershadda dharka ee Balcad. Waxayna soo saari jirtey dhar kala noocnooc ah, khaas ahaan dharka dugsiyada.
* Waxaa kale oo xusid mudan wershedaha kala ah: Wershadda Kalluunka ee Xaabo, Qandala, Warshadda Kaluunka (Shifko) ee Kismaayo, Wershadda Birta ee Xamar, Wershadda Sigaarka iyo Tarraqa ee Xamar, Wershadda Baastada ee Xamar, Wershadda Shamiitada ee Berbera iyo kuwo kale.

Sida aad halkaas ka aragtaan Somalia waxa ay aheyd dal ka horeeya dalal badan oo african ah,xiligaas oo ay Dowlado badan oo african ah ay ku badneyd gaajada iyo iyagoon ka maarmin waxa ay hey adaha dowliga ah ay siiyaan. Wax kasta waa macquul hadey niyada ay nooga jirto in aan dalkeena gaarsiino horumar, wax kastana waxa lagu gaara waa sabar & wada shaqeyn si aan u gaarsiino dadkeena meel u qalanta ,waana iney jirtaa ahdaaf & himilooyin.

Waxaas oo warshado ah waxa ay ku sameysey inta badan dowladii hore kaalmo shisheeye,waxaan hubaal ah in ay jiraan markasta maslaxado laga lee yahay somalia oo ay shisheeyuhu kaleeyihiin.

1.La dagaalanka Punrcad badeedka.
2.Puntland oo ku taal meel istiraatiji ah dhanka bada & dhulka oo amnigeedu muhiim u tahay dowlado badan.
3. Waxa dhawaan la ogaadey in shidaal xoogleh uu ku jiro qeyb ka mid ah Puntland iyo qeyb ka mid ah bada cas oo laga qorey iyadana wax oo la sheegey in gaas fara badan ku jiro.

Waa in maamulka Puntland uu ka codsado dowladaha in ay ka caawiyaan wax dadka faaíido u leh, sida ay sameyn jirtey dowladii hore oo kale ,in kiish bariis ah lagu siiyo waxa kuu dhaama in laga caawiyo qaabka aad u beeran laheyd una warshadeysan laheyd. in kaluun la siiyo qof gaajeysan waxa u dhaama in la baro qaabka uu daban laha kaluunka. waana masúuliyada xukuumada meesha ka jirta in ay  ku dhaqwaaqdo howlahaas.

Dr : Ali Warsame

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: