Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowlada KMG ah oo maanta sheegtay in la iibsaday Xaruntii Wasaaradaasi .
Bartamaha (Muqdisho) Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowlada Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in maamulka Dakada Muqdisho ay iibsadeen dhul ay wasaarada ku shaqayn lahayd .
Abuukar Cabdi Cismaan(Mardaadi) wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Soomaaliya oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Xaruntii Wasaarada ay ku lahayd dakada Muqdisho la iibsaday.
Wasiirka ayaa sheegay in Masuuliyiinta Dakada ay u bareereen in ay iibsadaan xarunta Wasaaradiisa islamarkaana ay ka xunyihiin qaabka falkaasi uu u dhacay isagoo digniin u jeediyay shirkada laga iibsaday xarunta wasaaradiisa.
Abuukar Mardaadi Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa dhanka kale ugu baaqay Madax sare Ee Dowlada in dhacdadaasi ay wax ka qabtaan isagoo sheegay in xiligan ay doonayeen in ay qalabayso wasaaradiisa xafiisyada ku yaala afaafka hore Ee Dakada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments