Wasaarada Ganacsiga PL. oo shaacisay xiliga laqaban doono doorashada rugta Ganacsiga (Dhegayso)
Bosaso_ Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha dowlada Puntland Maxamuud Xasan (Soocade) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Bosaso, ayaa ku shaaciyay xiliga ay qabsoomi doonto doorashada rugta ganacsiga Pl.
Wasiirka ayaa sheegay in doorashada masuuliyinta sare ee Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland laqaban doono 15-04-2014, isagoona ku wargeliyay ganacsatada inay udiyaar garoobaan doorashada.
Masuuliyinta xiligani ee rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa waxaa ka dhamaday xilka, waxaana uu ku ekaa bartimihii sanadkii tegay.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.