Wasaarada Cadaalada Dowlada Soomaaliya oo dalbatay in Maxkamad looga furo gudaha dalka Kooxda Burcad Badeeda ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in gudaha Dalka Maxkamad lagu soo taago Kooxda Burcad Badeeda ah.
Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax “Jinaqoow†Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Caddaalada Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa daaha ka qaaday in ay sharci daro u arkaan Maxkamadaha la saarayo Burcad Badeeda ee ka baxsan Soomaaliya.
Wasiirka Caddaalada ayaa sheegay in Burcad Badeeda ay yihiin koox dinbi ka galaysa Soomaalida loona baahanyahay in ay Maxkamad ku soo taagaan gudaha Dalka SOomaaliya.
Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqoow waxa uu ku baaqay in  Burcad Badeeda markii la qabto lagu soo wareejiyo Dowlada si ay Maxkamad u soo taagto.
Hadalka Dowlada ayaa imaanaya xilli Dowlado Caalamka ah ay maxkamado iskood u soo taageen Kooxaha Burcad Badeeda ah taasi oo sharci daro ay Dowlada Soomaaliya ku tilmaamtay.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments