Calendar

Wasaarada Amniga Puntland oo wacad ku martay in dhawaan isbadal laga dareemayo Magaalooyinka Puntland.

puntland logoBartamaha(Garoowe):-Wasiirka Amniga Puntland ayaa shaaca ka qaaday in isbadal xagga ammaanka ah laga dareemi doono magaalooyinka Puntland oo dhawaan ammaan daro ka taagnayd.

Wasiirka amniga Maamul goboleedka Puntland General Yuusuf Axmed Qeyre ayaa sheegay in ammaan darada ka jirtray magaalooyinka Puntland maalmaha soo aadan wax laga badali doono.

Wasiirka ayaa sheegay in ammaan darada ay ahayd waxa kaliya ee shacabka reer Puntland ay ka xanuunsanayeen dhawaanahan taana ay Ciidamo u diyaariyeen sida uu wasiika sheegay.

Wasiirka ayaa shacabka ka dalbaday in ay dhanka ammaan ka kala shaqeeyaan islamarkaana ay gacan adag ku qabtaan kooxaha ku dhuumanaya magaalooyinka ee dadka laynaya.

Ammaanka guud ee Magaalooyina Puntland ayaa dhawanahan waxa ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo dad badan noloshooda galaaftay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: