Warsaxafadeed oo maanta ay soo sareen ururka islaamiga al islaax ayaa si cad Ugu soo horjestay hishiiskii kambala .
Kadib kulan ay maanta isugu yimadeen xubnaha ururka islaamiga ah ee al Islaax Ayaa waxaa loga hadlay arrimo fara badan waxaa ka mid ahaa .
Hishiiskii ay Madaxda sarsare ee dalka ku gaareyn magaalada kambala. Dibad Baxyadii ka socday magaalada muqdisho iyo khilaafaadka u dhaxeeya Madaxda dalka.
Uruka islaamiga ee al islaax ayaa sheegay inaysan maslaxada dalka ay ku Jirin Hishiiskii ka dhacay magaalada kambala warsaxafadeedka ayaa waxa Uu u qornaa Sida tan .
Ururka al islaax wuxuu u soo jeedinaa madaxda dalka waxgaradka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
1-In la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka soomaaliyeed kasoo awalba la il Darnaa colaado,abaaro iyo masiibooyin kale.
2-In madaxda dowlada ay maqasho una dheg raariciso cabashada Dadweynaha iyo Codka dibadbaxayaasha kuwaasoo muujiyay sida ay u Diidan yihiin heshiiskas.
3-In marwaliba ay noqto talada soomaaliyeed mid gacanta ugu Jirtawaxgaradka.Dhaqanka.culimmada iyo shacabka soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii ururku wuxuu cadeynayaa sida weyn ee uu ugu soo horjeedo Hishiskii kambala. Wuxuuna xal u arkaa;
1-In muddosanad ah loo kordhiyo dhamaan hey’adaha dowladda sida Madaxweynaha. Barlamaanka. Iyo xukuumadda .
2-In xukuumadda oo ah mid hawlo wanaagsan qabatay loo daayo inay shaqadooda inta ka dhiman ku dhamaystirtaan muddadaas sanadka ah.
3-In hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda ay la yimaadaan wada shaqeyn Kana fogaadaan khilaafka ragaadiyay. Sheikh cusmaan ibraahim axmed Gudoomiyaha ururka al islaax ayaa ku saxiixnaa……….
Comments
comments