Wariyihii Idaacada VOA-da Magaalada Gaal-Kacyo oo Xalay la dhaawacay.
Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaal-Kacyo ayaa Xalay dhaawac u geystay Wariyihii Idaacada VOA-da Magaalada Gaal-Kacyo Ee Puntland.
Ciidamada Ammaanka ayaa Xalay waxa ay rasaas ula kac ah ku dhaawaceen Wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo ahaa Wakiilkii Idaacada VOA-da Magaalada Gaal-Kacyo.
Askari Ciidamad ka tirsan ayaa waxaa la sheegay in uu rasaas u furay gaari uu watay Wariyaha xilli uu marayay bartamaha Magaalada Gaal-Kacyo halkaasi oo rasaasta ay ka haleeshay dhanka Wadnaha.
Dhaawaca Saxafigaasi ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Gaal-Kacyo Ee GMC oo ku yaala  duleedka magaalada Gaalkacyo halkaasi oo lagu dabiibayo Wariyaha VOA-da oo haatan dhaawaciisa uu yahay mid uu ka soo wanaagsanaanayo.
Dahawaanahan ayaa waxaa soo badanayay tacadiyada lagula dhaqaaqayo suxufiyiinta Magaalada Gaal-Kacyo kuwaasi oo dhawaan qaar ka mida jirdil loogu geystay Gaal-Kacyo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments