Calendar

Wariyihii BBC-da Maxamed Colaad Istiila oo Loo Diiday inuu Ingiriiska Galo (Sababta)

Wariye...Mohamed Colaad

Wariye...Mohamed Colaad

Nairobi (RBC) Wararka laga helayo saraakiisha amaanka ee London ayaa shaaca ka qaaday in wariyihii idaacada BBC-da qeybteeda ‘Focus on Africa’ Maxamed Colaad Xasan Istiila laga hor joogsaday inuu safar ku tago magaalada London si uu halkaasi uga soo qaato abaalmarin ay ugu talagaeen barlamanka dalka Britain.

Maxamed Colaad waxaa uu toddobaadkan safar ku tegi lahaa magaalada London iyadoo lagu waday inuu halkaasi ku gudoomo abaalmarinta ‘Speaker Abbot award’ taasoo ay ugu deeqeen aqalka House of Commons ee dalka Britain. Abaalmarinta ayaa lagu siiyey Colaad Istiila sidii uu uga soo waramay mudadii 7 sano ahayd ee uu ka shaqeynayey magaalada Muqdisho oo ay ka jireen dagaalo joogto ah oo ay ku dhimanayeen shacab badan, isagoo muujiyey geesinomo marna aan ka bixin Muqdisho.

Hase yeeshee waaxda amaanka xuduudaha ee Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay diiday in vise ama dalku gal ay siiyaan Wariye Colaad Istiila sii uu abaalmarintiisa uga soo qaato London, Waxaana sababta lagu sheegay inay iskhilaafeen magacyada ku qoran labo baasaboor oo uu leeyahay Wariyajha oo kala ah Soomaali iyo Ethiopian taasoo shaki galisay saraakiisha amaanka ee Ingiriiska.

Saraakiisha waaxda amaanka xuduudaha waxay sheegeen in sababta ay u diideen inay visa siiyaan wariye Colaad Istiila ay tahay ka dib markii la heley labo magac oo kala duwan oo ku kala qoran baasaboorada, waxaa sidoo kale kala duwan goobta dhalashada iyo taariikhda dhalashadiisa ee ugu qoran waraaqaha uu gudbistay Wariye Colaad Istiila, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.
Laakiin Wariye Maxamed Colaad Istiila oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu ku sugayo in la aqbalo codsigiisa ayaa sheegay inuusan ogeyn baasaboorka labaad ee la sheegayo, wuxuuna sheegay inuu leeyahay hal baasaboor oo ah SOOMAALI oo kaliya isla markaana uusan jirin wax kale.

Warar dhowaan soo baxay oo laga heley saraakiisha amaanka ee London ayaa iyaguna shaaca ka qaaday inay ka shakiyeen in wariyaha Soomaaliga uu doonayo inuu iska dhiibo Ingiriiska marka uu yimaado ee aysan ahayn ujeedadiisu inuu dib u soo laabto taasina waxay walwal galisay hay’ada qaabilsan amaanka xuduudaha Britain.
Saraakiisha ayaa intaasu ku daray in waraaqaha uu soo gudbistay wariyaha ee uu ku codsaday visaha aan la soo raacin waraaqaha cdeymaha ee ay BBC-du siisay wariyahan.

“Aad ayaan uga niyad jabnay in saraakiisha amaanku ay diidaan codsiga wariye Istiila,si uu abaal marintiisa uga qaado aqalka House of Commons. Wuxuu ahaa nin muujiyey geesinomo isagoo ka soo waramay gobol dhibaato badan ka jirto. abaal marintuna waxay ahayd mid u qalanta in la siiyo”, waxaa sidaasi tiri haweeney afhayeenad ah oo u hadashay BBC-da qeybta dibadaha la hadasha.

Wariye Maxamed Colaad waxaa uu hadda ku sugan yahay magaalada Nairobi, wuxuuna sheegay inuusan garan karin waxyaabaha ay ku doodayaan saraakiisha amaanka xuduudaha ee Britain. Wuxuuna ku adkeysanayaa inay wax kasta u saxan yihiin oo uusan jirin wax dukuminti ah oo ka khaldabn codsigiisa.

Hay’ada BBC waxay diiday inay wax faahfaahin ka bixiso arinta ku saabsan cadeymaha uu heysto Wariyaha ee ay doonayaan saraakiisha hay’ada amaanka xuduudaha.

Abaalmarinta ayaa la qorsheynayey in wariye Maxamed Colaad Istiila lagu gudoonsiiyo aqalka barlamanka Britain bishan gudaheeda.

Wariye Colaad waxaa uu sidoo kale u waramaa wakaalada wararka AP, waana markii ugu horeysay oo wariye ku guuleystey abaalmarin laga joojiyo dalku galka Britain.
—————
Xigasho:-RBC Radio

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: