Calendar

Mobile-ka ay Wariyaasha ugu jecelyihiin in ay Isticmaalaan waa Noocee?

TECH-US-GERMANY-APPLE-DATA

Bartamaha (Nairobi):- Qof walba waxa uu jecelyahay dooq iyo wax uu si gaar ah u xiiseeyo balse marka ay timaado telephone dadku waxa ay wada jecelyihiin in ay isticmaalaan telephone-ka ugu wanaagsan ama Nooca ugu danbeeya ee shirkadaha caalamka ay soo saaraan.

Shirkadda Apple ee xarunteedu tahay Magaaladda Cupertino ee Gobalka California ee dalka Mareekanka ayaa soo saarta telephone-ka iPhone 4 ee loo yaqaan iPhone ayaa soo saartay nooc cusub oo telephone-ka iPhone ka tirsan loona bixiyay iPhone 4 iyadoo la shaaciyay in la iibin doono June 24, 2010 oo laga joogo maalmo kooban.

Nooca cusub ee telephone-ka iPhone 4 ee lagu soo bandhigayay Dalka Mareekan-ka iyo afar dal oo yurub ah sida dalalka England, France, Germny iyo dalka Japan iyadoo markii ugu horeesayba la iibsaday 1.7 Milyan iPhone 4 oo ah nooc cusub oo lagu soo kordhiyay waxyaabo badan oo uu dheeraan doono telephone-dii ay shirkada horay u iibisay.

“Waxaan ka cudur daaraneeynaa in dad badan oo Kalyeenti ah aysan helin iPhone 4 sababtuna waxay ay tahay kuma tala galin in dad xadigan dhan ay iibsan doonaan” sidaa waxaa yiri ninka ugu sareeya shirkada Apple ee lagu magacaabo Steve Jobs.

Mobile-ka iPhone 4

Mobile-ka iPhone 4

Dhanka kalle waxaa la xaqiijiyay in Wariyaasha ay jecelyihiin in ay isticmaalaan telephone-ka iPhone ee shirkada Apple ay soo saarto sababtuna waxay ay tahay waa Telphone muuqaal wanaagsan leh iyadoo inta badan news-ka, Sports-ka iyo Madadaaladda sida isticmaal-ka Facebook uu ku wanagsansanyahay.

Shirkada Apple ayaa dhamaadka bisha July ee foooda nagu soo heeysa waxa ay soo bandhigi doontaa qeybtii labaad ee suuq geynta telephone-ka cusub ee iPhone 4 iyadoo dalal badan markan lagu soo bandhigi doono.

Dabcan dad badan oo Soomaali ah oo jecel isticmaalida telephone-ka laga daba dhacay ee iPhone ayaa jira, waana filayaa in dad badan marka ay hadalkan aqristaan ay ka heli doonaan.
——————————–

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Xafiiska wararka Bartamaha ee Geeska Africa.

sawiro dheeri ah halkan ka daawo.

Steve Jobs. oo Madaxwaynaha dalka Ruush-ka u sharaxaya iPhone 4

Steve Jobs. oo Madaxwaynaha dalka Ruush-ka u sharaxaya iPhone 4

dad ku faraxsan in ay nasiib u heleen in ay iibsadaan iPhone 4

dad ku faraxsan in ay nasiib u heleen in ay iibsadaan iPhone 4

Qof ku faraxsan in uu iibsaday iPhone4

Qof ku faraxsan in uu iibsaday iPhone4

dad saf ugu jira ay iibsadaan iPhone 4

dad saf ugu jira ay iibsadaan iPhone 4

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Madadaalo | Entertainment, Maqaallo / Articles, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: