Wariye Yuusuf Kaynaan oo Saaka ku geeriyoday Qarax loogu xiray Gaargiisa
Muqdisho_ Alle ha unaxariistee Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (kaynaan) ayaa saaka ku geeriyoday qarax loogu xiray gaarigisa, xili uu ku sugnaa inta udhexaysa Bacaadlihii hore iyo Hotelka Muna oo ka tirsan degmada Xamar weye ee gobalka Banaadir, waxaana qaraxa loogu xiray kursiga uu ku fadhiyey.
Wariye Yuusuf Kaynaan ayaa kahawlgelyey idaacada Mustaqbal, waxaana uu horay ugasoo shaqeeyay qaar kamid ah idaacadaha Muqdisho, isagoona kamid ahaa wariyaasha ugu caansan ee xiligaan ku nool magaalada Muqdisho.
Maydka Marxuumka ayaa la sheegay inuu gabi aahba googo,ay, maadama uu bas beelay gaariga waxaana ciidamada Booliska oo gaaray goobta ay isku dayeen inay damiyaan holaca gaariga.
Wariye Yuusuf Kaynaan ayaa ahaa nin dhallinyaro, waxaana dadka yaqaana ay ku sifeeyeen inuu ahaa shakhsi firfircoon oo hawlkar ah, Yuusuf ayaa ku dhashay magaalada Marka, halkaasi oo uu kusoo qaatay waxbarshadiisa.
Comments
comments